Kooxda Alshabaab ayaa weerar culus ku qaaday saldhig ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ku leeyihin degmada Xudur ee Gobolka Bakool.
Wararka laga helayo gobolka Bakool ayaa sheegaya Alshabaab ay la wareegtay saldhigga Teed, iyadoo weerar culus ay ku ekeeyeen saaka aroortii, dagaal culusna uu dhex maray labada dhinac.
Alshabaab ayaa sheegtay inay qabsadeen saldhigga ciidamada dowlada ee Teed oo 30KM u jirta jira Magaalada Xudur ee xarunta Bakool. Dadka degaanka ayaa sheegaya in qasaare dhimasho iyo dhaawac leh ay labada dhinac kasoo gaareen.
Gurmad ciidamo ah ayaa laga diray magaalada Xudur, waxaana la soo weriyay in Alshabaab ay hawada ka saareen isgaarsiintii degaankaasi.
Alshabaab ayaa sii kordhiyay weerrarada ay ku qaadayaan saldhigyada ciidamada dowladda ee Koonfurta Soomaaliya, waxaana bishii Septembar ay weerarreen oo qabsadeen 4 saldhig.