Alshabaab oo Qarax ku dishay Taliye Guuto, Saraakiil iyo Mas’uuliyiin howlgal ku jiray

Qarax Miino ayaa lala beegsaday ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya oo uu watay Taliyaha guutada 8-aad qeybta 60-aad oo maalmahan howlgal sifayn ah ka waday wadooyinka isku xira gobollada Baay, Bakool iyo Gedo.

Wararka ayaa sheegaya in Qaraxa oo ahaa mid culus la geliyay wadadda duleedka Goof-gaduud oo ay ku socdeen Taliyaha Guutada 8-aad qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka G/le Maxamed Nuur Mad-Dheere, saraakiil iyo ciidamo la socday.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku dhintay Taliyihii guutada 8-aad ciidamada Gashaanle Mad-Dheere, Taliye Afcadeey iyo Gudoomiyihii hore ee Degmada Diinsoor C/sallaan Xaaji Siidow oo isna ka mid ahaa Saraakiisha qeybta 60-aad, waxaana ku dhaawacmay Taliye Ciise Kuusow.

Geerida Taliyaha iyo mas’uuliyiinta kale waxaa ka hadlay oo tacsi u diray Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Adan Madoobe, Taliyaha Ciidamada Xoogga Jeneraal Ibraahim Sheekh, Madaxweynaha K/Galbeed C/casiis Lafta-gareen iyo xubno kale.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in Gaashanle Maxamed Nuur Sheegoow (Mad-Dheere) uu ahaa sarkaal qiima badan oo kaalin mug leh ku lahaa dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON