Monday, January 30, 2023

Alshabaab oo Qarax ku dishay Taliyihii NISA ee Gobolka Gedo iyo faahfaahin laga helay

Taliyihii Nabadsugidda iyo Sirdoonka NISA ee Gobolka Gedo Cabdirahmaan Cabdullahi (Bakaal Kooke) ayaa lagu dilay Qarax xalay ka dhacay degmada Luuq, xilli uu ku sii jeeday degmada Doolow.

Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda Qaraxa, waxaana Qaraxa lagu dilay Bakaal Kooke uu ka dhacay tuulada Suul Alle oo 5KM u jirta degmada Luuq, iyadoo wararku sheegayaan in Qarax loogu xiray Gaarigiisa, iyadoo la dhigay Kursigii uu ku fadhiyey hoostiisa.

Taliyihii NISA ee Gobolka Gedo ayaa gacanta ku hayey Maamulka Gobolka Gedo oo dowladii Farmaajo uu uga mas’uul ahaam waxaana muddooyinkii dambe uu xiriir fiican la yeeshay Agaasimaha NISA Mahad Salaad.

Ad

Dilkiisa ayaa imaanaya xilli ay Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedka Jubaland maalihii ugu dambeeyay ku jireen diyaargaroow dagaal ka dhan ah Al-shabaab, kaas oo hoggaaminayey taliye Bakaal Kooke.

Wasiirka Amniga Jubaland Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) ayaa sheegay inay sameynayaan baaritaan madax-bannaan oo la xiriira dilka taliyaha NISA, isaga oo ka tacsiyadeeyay geeridiisa.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,970FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,970FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!