Guddoomiyihii Guddiga Doorashooyinka Madaxa Bannaan ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay noqoto Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Maamul Goboleedyada Galmudug.
Kulan ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada Galmudug oo uu guddoomiyey Madaxweyne ku xigeenka Cali Daahir Ciid ansixiyay Gudiga madaxa bannaan ee Doorashooyinka Galmudug.
Xubnaha Gufdiga waxay ka kooban yihiin 7 xubnood, waxaana ka mida Xaliimo Ismaciil oo dhowaan Guddigii Heer Federaal ee ay ka tirsaneyd uu u kala diray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Xubnah Guddiga ayaa kala ah:
1- Xaliimo ismaciil ibraahim
2- Dr Yaasiin Cabdi Jaamac
3- Xersi Yuusuf Barre
4- Khaliif Axmed Gabow
5- Amiira Daahir Maxamed
6- Maxamed Cabdi Shardi
7- Cabdirashiid Cabdiraxman Axmed
