Kooxda Alshbaab ayaa qaab cusub oo aan hore loo arag u filisay Qarax xalay ka dhacay degmada Hodon ee Gobolka Banaadir, kadib markii ay adeegsatay Geed ku yaalla wadadda dhinaceeda.
Qaraxa ayaa loo adeegsaday miinooyinka dhulka la dhigo, laakiin waxaa Miinada la saaray Geed ku yaalla wadadda taleex dhinaceeda, kaasoo lala beegaday Gaari ay wateen ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, kasoo wax yar uga baxsaday qaraxa, waxaana ku dhaawacmay hal qof.
Dadkii tegay goobta Qaraxu ka dhacay ee agagaarka isgoyska Taleex ayaa sheegay in miinada la saaray Geedka ay waxyeelo gaarsiiyey Geedka iyo dhismo u dhowaa, inkastoo qasaaraheeda uu ahaa mid aad u kooban, marka loo eego qaraxyada noocan oo kale ah.
Miinooyinka dhulka ayay Alshabaab u adeegsataa qaraxyadii ugu danbeeyay ee ay ka fuliso Muqdisho iyo gobollada dalka, waxayna miinooyinkaasi noqdeen kuwa ugu badan ee xilligan ay sida weyn u adeegsato Alshabaab, waxayna ahayd arrin cusub in Geed la saaro miino halka dhulka lagu aasi jiray ama wadooyinka dhinacyadooda ka dhigi jiray.
Adeegsiya Miinooyinka ee Alshabaab ayaa sabab looga dhigay iyadoo qalabkaasi qaraxa ka heshay xerooyinkii ay ka qabsatay ciidamada AMISOM oo Alshabaab ay ka heshay saanad fara badan iyo boqolaal miinooyinkaasi ah.