Alshabaab ayaa Qaraxyo loo adeegsaday Gawaari ku beegsatay Buundooyinka Buuloburte iyo Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, kadib culeys kasoo wajahay aagagga dagaalka ee Hiiraan iyo Sh/Dhexe.
Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay Buundada Buuloburte ayaa loo adeegsaday Mooto Qaraxyo laga soo buuxshay, kaasoo burbur xoog leh gaarsiiyey Buundada inteeda badan, waxaana ujeedka Alshabaab lagu sheegay in lagu joojiyo isu socodka ciidamada iyo Gaadiidka dagaalka, iyadoo wajaheysa xaalad dagaal oo culus.
Qarax labaad ayaa lagu beegsaday xarunta ciidamada iyo Buundada degmada Jalalaqsi, qaraxaas oo ahaa mid is miidaamin oo aad u culus waxa ku geeriyooday Gudoomiyihii degmada Jalalaqsi Maxamuud Nuur Dabaashe iyo Duqii magaalada Jalalaqsi Aden Maxamed Ciise.
Qasaaraha qaraxa ka dhacay Bundadda Buuloburte ayaa lagu sheegay 4 dhaawac ah, waxaana qaraxa degmada Jalalaqsi wararku sheegayaan inuu dhaliyey qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.
