Kooxda Alshabaab ayaa ka hor dhacday weerarka uu ku dhawaaqay in lagu qaadayo kooxdaasi, gaar ahaan gobolka Shabeellada Hoose oo qorshe difaac ah u dejisay.
Maamulka Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegay in Alshabab ay miinooyin ku aastay degaanada ay ka taliso iyo aaggaga ay isku fadhiyaan ciidamada dowladda iyo AMISOM, waxayna miinoyinkaasi soo gaareen duleedka degmada Afgooye.
Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Sh/hoose Cali Nuur Maxamed gudoomiye ku xigeenka Gobalka Shabeelaha hoose ayaa sheegay in dagaalamayaasha Al-Shabaab ay miinooyin badan ku aaseen Gobalka kadib markii la shaaciyay weerarka lagu qaadayo, wuxuuna si kulul u cambaareeyay dagaalka warbaahinta laga sheegayo.
Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaala ayaa gaaray Gobolka Shabeelaha Hoose, iyagoo hordhac u ah dagaalka dowladda Federaalka ku dhawaaqday inay ku qaadeyso Alshabaab.