Kooxda Alshabaab ayaa maanta mar kale weerar kale ku qaaday saldhigga Ciidmada NISA ee degaanka Siinka dheer, duleedka magaalada Muqdisho oo laga ilaaliyo caasimadda.
Weerarkan ayaa ah kii labaad oo Alshabaab la beegsadeen Alshabaab saldhiga Siinka dheer, halkaasoo dagaal culus uu dhex maray labada dhinac, waxayna is weydaarsadeen hubka culus iyo boobayaasha, sida ay sheegeen dadka degaanka, waxaa in muddo ah xirantay maanta wadadda isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.
Dadka degaanka aya sheegay in dagaalkii maanta uu qasaare dhimasho iyo dhaawac leh geystay iyadoo 3 qof oo shacab ah ay ku dhawacmeen, lana sheegay in askar ay waxyeelo ka soo gaartay.
Weerarkii xalay Alshabaab ku qaadeen isla barta Siinka dheer ayaa sidoo kale wax faahfaahin ah laga bixin, iyadoo ku dhowaad saacad ay labada dhinac dagaalamayeen, waxayna weerarradan ay imaanayaan iyadoo isu socodka Muqdisho iyo degaanada ka baxsan gebi ahaan la xiray.