Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay weerarkii saaka ka dhacay Saldhigii ciidamada ATMIS ee Buulomareer, Gobolka Sh/Hoose oo fariisin u ahayd ciidamada ka socda Dalka Uganda.
Alshabaab ayaa sheegtay inay qabstay saldhigga, isla markaana ay cagta marisay askartii iyo hubkii saldhiggaasi, waxaana bayaan kasoo baxay Ashabaab lagu sheegay in weerark Buulomareer lagu dilay tobanaan askari oo Ugandes ah, laguna qabsaday Maxaabiis aanay tiradooda sheegin.
Warka Alshabaab ayaa sheegaya in maxaabiista la qabay ay isugu jiraan askar ay qaarkood dhaawac yihiin, halka ay ku dileen 137 askari, isla markaana ay qaateen hubkii faraha badnaa ee yaallay saldhigga Buulomareer.
Lama xaqiijin sheegashda Alshabaab, balse dadka degaanka ayaa laga soo xigtay inay boqolaal Alshabaab ah lagu arkay gudaha magaalada Buulomareer, isla markaana ay weetar toos ah ku galeen Saldhiggii ciidamada Uganda.
Howgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa goor dhoweyd xaqiijiyay in la weerarray saldhigga ciidamada ee Buulomareer, haddana ay qiimeynayaan xaaladda, balse ma bixin faahfaahin kale.
