Friday, July 11, 2025

Alshabaab oo shaacisay inay Dib u qabsatay Deganada Koonfurta Mudug ee hoostaga degmada Hobyo

Alshabaab ayaa shaacisay inay dib u qabsatay degaanadii ay dhowaan kala wareegeen Ciidamada Galmudug iyo kuwa dowladda, sidoo kalena ay la wareegtay degaano hoostaga degmada Hobyo ee Gobolka Mudug.

Warbaahinta Alshabaab ayaa sheegtay in maleeshiyada Alshabaab dib u qabsadeen degaanada Camaara, Qeycad, Bacaadweyne, Xoosh, Dhaghaye, Sabeenno gowrac iyo deegaanno kale oo hoos taga magaalada Hobyo.

Ma jirto cid xaqiijisay sheegashada Alshabaab, iyadoo bilihii ugu danbeeyay ay dagaallo culus ka socdeen degaanadaasi, waxaana ugu danbeeyay maagaalda Camaara oo dagaal qasaare xoog leh dhaliyay ka dhacay toddbaadkan.

Wararka ayaa sheegay in ciidamadii dowlada iyo kuwa Galmudug ay dib uga gurteen degaanadii ay hore uga qabsadeen Alshabaab. 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON