Alshabaab ayaa sheegtay dilka Sarkaal Boolis ah oo ka tirsanaa Kooxda Heegan ee ciidamada Booliska, iyadoo Taliska Booliska uu qoraal kasoo saaray arrintan.
War kasoo baxay Alshabaab ayey ku sheegatay mas’uuliyadda dilka Baashi Maxamed Xasan oo ay sheegtay inuu ahaa Saddex Xiddigle ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliyeed, laguna dilay degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho, waxaana warka Alshabaab lagu sheegay inay sarkaalka la dilay ka qaateen Hub iyo dukumiintiyo muhiim ah oo uu watay.
Dhinaca kale Taliska Booliska ayaa ka hadlay dilka Sarkaalkan waxaana tacsi u diray taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed. Jen. Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), iyadoo Abwaan Baashi lagu tilmaamay oo ahaa nin ee ku weyneyd Dowladnimo iyo u adeegida Shacabka, isla markaana ahaa Sarkaal ka tirsan Ciidamada Booliiska Soomaaliyed.