Monday, July 14, 2025

Alshabaab oo shaacisay inay Qarax Is-miidaamin ah ku leysay ilaalada Farxaan Qaroole, isaguna uu…

Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qarax is-miidaamin ahaa oo lala beegsaday taliyaha ciidamada Booliska Gobolka Banaadir Faarax Maxamuud Qaroole.

War kasoo baxay Al-Shabaab ayaa in mid ka mida is-miidaamiyeyaasha Alshabaab uu qarax la beegsaday Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, iyadoo qasaare dhimasho iyo dhaawac lagu gaarsiiyey ciidamadii ilaalada u ahaa.

Alshabaab ayaa sheegtay in afar askari oo ka mida ilaalada Farxaan Qaroole lagu dilay, halka shan kale ay ku dhaawacmeen, waxaana ka badbaaday Taliyaha oo saarnaa Gaariga aan xabbadu karin oo isaga iyo darawalkiisa ay ka degeen qaraxa kadib.

Is-miidaamiyaha Alshabaab ayaa kaxeynayay Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo uu la beegsaday kolonyada uu la socday Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir ee Farxaan Qaroole.

Ku dhowaad 10 qof ayaa ku geeriyooday qaraxa, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 10 kale; wuxuuna Qaraxa ka dhacay Inta udhaxeysa isgoyska Banaadir iyo Isbitaalka Medina oo u dhow xarunta taliska ciidamada ee Villa Baydhaba.

Dadka dhintay ayaa u badnaa shacab ku sugnaa goobta qaraxu ka dhacay sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay askartii la socotay taliyaha Booliska Gobolka Banaadir ee qaraxa loola dan lahaa.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON