Friday, June 27, 2025

Alshabaab oo shaacisay inay Saacado maamuleen qeybo ka mida Muqdisho (Weerarro iyo Qaraxyo)

Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarro iyo qaraxyo xalay xilli danbe lagu qaaday degmooyin iyo saldhigyo dhowr, iyadoo shaacisay inay muddo saacado ah maamuleysay qeybo ka mida caasimada Muqdisho, sida Hodon, Kaxda, Yaaqshiid iyo Dayniile.

Wararka ayaa sheegaya kasoo baxay Alshabaab ayaa lagu sheegay in Saldhigga Kaxda ay ku qaadeen weerar ku bilow Qarax is-miidaamin, kadibna ay mid toos ah ku galeen gudaha Saldhigaasi oo ay ka qaateen Hub iyo Gaadiid.

Sidoo kale Qarax is-miidaamin ayey sheegta Alshabaab inay ku qaaday Xero ciidan oo ku taalla degaanka Daarusalaam ee Degmada Yaaqshiid, kadibna ay weerar toos ah ku beegsadeen xaruntaasi.

Waxaa kaloo weerar toos ah ka dhacay Xero ku talala degaanka Ceeljanaalle oo laga ilaaliyo degmada Kaxda iyo weerarro iyo qaraxyo mashquulin ah oo ka dhacay Degmooyinka Deyniile, Hodon iyo Degaanka Ceelasha Biyaha.

Alshabaab ma sheegin qasaaraha weerarrada iyo qaraxyada ay fulisay, waxayse sheegtay inay ku qabsatay Hub iyo Gaadiid.

Dhinaca kale Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in askari ku dhintay Saldhiga Kaxda, qaar kalena ay dhaawacyo kasoo gaareen, halka Degaanka Daarusalaam uu sheegay in laba Gabdhood oo yaryar ay ku dhinteen. Wuxuu kaloo xaqiijiyey in gaadiid lagu waxyeeleeyay Saldhigga Kaxda, qaarna laga qaatay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON