Sunday, July 13, 2025

Alshabaab oo shaacisay inay Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidamada Dowladda ku dishay Magaalada Muqdisho

Al Shabaab ayaa sheegatay inay howlgal ka fulisay Magaalada Muqdisho lagu dilay sarkaal sare oo ka ka tirsan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

War kaso baxay ayaa lagu sheegay inuu dilkan ka dhacay degmada Dharkeynleey ee Gobolka Banaadir, iyadoo dabley ka tirsan Alshabaab ay toogasho ku dileen sarkaal ay sheegeen inay darajadiisu ahayd Kabtan oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cumar Guutaale.

Hay’adaha amniga dowladda Soomaaliya ayaa ka hadlin falkan dilka ah ee ay sheegteen Alshabaab, wuxuuna imaanayaa iyadoo ciidamada Amniga ay dhowr jeer ka hortageen bishii hore falal khaarijin ah oo ay Alshabaab ka geysteen caasimadda Muqdisho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON