Kooxda Alshabaab ayaa shaacisay mid ka mida laba mun oo ka danbeeyya qaraxyadii mataanaha ahaa ee Isniintii ka dhacay magaalada Muqdisho.
Weerarka oo Alshabaab ay sheegtay inay la beegsatay Hotelka Peace ee dhinaca ku haya xarunta Xalane ee ciidamada AMISOM ayaa sheegtay inuu geystay nin ka soo jeeda Beesha Daa’uud/Abgaal laguna magacaabo Maxamed Abuukar Maxamed Calasoow oo loo yaqaanay (Ahlu Sufa).
Waa markii ugu horeysay oo nin ka soo jeeda beesha Alshabaab sheegtay uu isku miidaamiyo weerar ay Alshabaab soo abaabushay, waxaana tani ay noqotay tan ugu hadal heynta badan magaalada Muqdisho.
Wareysi lala yeeshay ninka iska qarxiyay ayay baahisay idaacadda Andalus ee Alshabaab, isagoo sheegay inuu weerarka u qaaday Alle dartii iyo inuu halaago caddowga umadda sida uu yiri.
Alshbaab ayaa sheegatay in weerarka qaraxa ay ku dileen 30 qof oo ay ku jiraan saraakiil caddaan ah, taasoo aanay jirin cid xaqiijisay.
Goobjooge.com