Xarakada Alshabaab ayaa goor dhoweyd shaacisay magaca iyo beesha uu kasoo jeedo hoggaaamiyaha weerarkii lagu qaaday Hotelka Cas-casey ee magaalada Kismaayo oo dad badan lagu laayey.
Ninkan ayey Alshabaab baahisay wareysi uu bixiyey intii aanu fulin weerarkaasi, waxaana lagu magacaabi jiray Xasan Sheekh Nuur Kalaashi oo ku magac dheeraa (Zubeyr), sida Alshabaab sheegtay ninkan wuxuu kasoo jeedaa Bah-horaad, Beesha Eelaay ee degta Gobollada Bay iyo Bakool.
Wareysiga ayaa ahaa ahaa mid laga qaaday isagoo ku jira Hotelka Cas-casey iyo wareysi kale oo hore looga reebay, waxaana uu ku dhaartay xilligaasi inuu leynayo dadkii ku sugnaa Hotelka Cascasey, wareysiga laga qaaday ayaa waxaa ka muuqda inuu ku faraxsanaa falka uu sameeyay, una arko jihaad, iyo inuu ku ralo gelinayo Alle, waxayna Alshabaab sheegeen inuu ku biiray sanadkii 2009-kii.