Alshabaab oo shaacisay Magaca & Beesha uu kasoo jeedo Is-miidaamiyihii Weerarkii Baar Sanguuni [Akhriso]

0

Kooxda Alshabaab ayaa  shacisay magaca iyo beesha uu ka soo jeedo Mid ka mida Ismiidaamiyihi fuliyey Weerarkii Qaraxa ahaa ee Isniintii lagu qaaday Saldhigga Ciidamada Baar Sanguuni ee duleedka Magaalada Kismaayo.

Warbaahinta Alshabaab ayaa baahisay wareysi ay la yeelatay ninkan oo ka hadlaya sababta ku kaliftay inuu is-miidaamiyo, waxaana magaciisa lagu sheegay Xasan Macalin Cabdi Maxamed oo ku magacdheer Jaamac ama Mucaad, wuxuuna ahaa ninkii hore ee isku qarxiyay Xerada Baar Sanguuni.

Is-miidaamiye Xasan Macalin Cabdi ayay Alshabaab sheegtay inuu kasoo jeeda Beesha Luwaay ee degta Koonfurta Somaliya, da’diisuna ay aheyd 23-sano jir ka tirsanaa guutada Ismiidaamiyeyaasha Al Shabaab.

Ninkan ayaa Darawal ka ahaa Gaariga isku qarxiyay xerada ciidanka Militariga iyo kuwa Jubbaland ee deegaanka Baar Sanguuni, wuxuuna  wareysiga lala yeeshay ku sheegay inuu u gargaarayo dalka oo ay ku soo duushay Gaallo.

Dhalinyarada kasoo jeeda Gobollada Bay iyo Bakool ayaa hada noqday kuwa ugu badan ee Alshabaab u adeegsado qaraxyada is-miidaaminta ah.