Friday, June 27, 2025

Alshabaab oo shaacisay Magaca & Beesha uu kasoo jeedo Is-miidamiyihii isku qarxiyay Tiyaartarka [Beesha Murusade..]

Kooxda Al Shabaab ayaa shaacisay magaca iyo beesha uu kasoo jeedo ninkii isku qarxiyey Barta laga ilaaliyo Madaxtooyada Soomaaliya ee Tiyaatarka Qaranka 22-kii Disembar 2018.

Wareysi ay la yeelatay Warbaahinta Alshabaab ayaa lagu sheegay inis-miidaamiyaha lagu magacaabi jiray Jamaal Jeyllaani Nuur oo loo yiqiin (Cabdulxaaq), wuxuuna ahaa 23 sano jir, isagoo kasoo jeeday Beesha Murusade, jufada Habar-ceyno, wuxuuna ALshabaab ku biiray sanadkii 2008.

Jamaal Jeyllaani Nuur waxaa uu ka tirsanaan jiray dagaalyahanadii Al Shabaab ee ka hawlgali jiray magaalada Muqdisho, xilligii Shabaab furamaha dagaalka Shabaab ay ku lahaayeen Muqdisho.

Qaraxii Tiyaatarka ayaa waxaa ku dhintay dad ku dhow 30 qof oo isugu jiray askar iyo shacab, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 40 kale, isagoo ahaa mid ka mida weerarradii ugu qasaaraha badnaa.

Alshabaab ayaa mar waliba soo bandhigta magaca iyo beelaha ay kasoo jeedaan is-miidaamiyeyaasheeda oo wareysiyo hore looga sii duubo inta aysan ku dhaqaaqin falalkooda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON