Wednesday, June 25, 2025

Alshabaab oo shaacisay Magaca & Beesha uu kasoo jeedo Ninkii isku qarxiyey Saldhiga Baar Sanguuni

Alshabaab aya shaacisay magaca iyo beesha uu ka soo jeedo ninkii isku miidaamiyey saldhigga Baar Sanguuni ee duleedka magaalada Kismaayo, gobolka J/Hoose, halkaasoo lagu dilay askari Mareykan ah.

Sida ay baahisay  Idaacadda Ashabaab ee Andalus weerarka is-miidaaminta ahaa waxaa fuliyey dagaalyahan ka tirsan kooxda oo lagu magacaabi jiray  Yuusuf Cumar Cali oo ku magacdheer (Foorto) kaasoo la sheegay inuu ahaa 24 sano jir, kasoo jeeda beesha Wacdaan Cusmaan.

Is-miidaamiyaha ayaa duubay dardaaran uu jeediyey ka hor inta uusan falka ku dhaqaaqin, isagoo Gaari nooca Homey ah la aadin xerada ay duleedka Kismaayo ka sameysteen ciidamada huwanta ee Soomaalida, Kenya iyo Mareykanka isugu jira.

Saraakliisha maamulka Jubba ayaa sheegay in qaraxan laga hortegay isagoo aan soo gaarin xerada oo rasaas lagu riday kadib uu gaarigu qarxay, waxayan wararka qaarkood sheegeen in hal askari dhaawac kasoo gaaray firirka qaraxa.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON