Saturday, July 5, 2025

Alshabaab oo shaacisay Magaca Is-miidaamiyihii Qarixii Bacaadweyn iyo Beesha uu kasoo jeedo (Akhriso)

Alshabaab ayaa shaacisay wareysi lala yeeshay is-miidaamiyihii Jimcihii fuliyey Qaraxa ka dhacay duleedka magaalada Bacaadweyn ee Gobolka Mudug.

Is-miidaamiyaha ayaa lagu magacaabi jiray Axmed Cabdullaahi Cabdulqaadir oo loo yiqiin Axmed Shaakir iyo Cumeyr, wuxuuna ahaa 21 sano jir Alshabaab ku biiray sanadkii 2018, isgoo ka mid ahaa dagaalamayaasha Gobolka Sh/Hoose.

Is-miidaamiyahan ayaa la sheegay inuu ku dhashay degaanka Kuunyo-Barrow, kana soo jeedo Beesha Tuni, gaar ahaan jufada Xajuubo. Wareysi uu bixiyay ayuu uga hadlay weerarka uu qaaday iyo waxa ku kalifay.

Alshabaab waxay hore u sheegtay in Qarixii Is-miidaaminta ee ka dhacay duleedka Bacaadweyn Jimcihii 16-ka July ay ku dileen 7 askari, halka ciidamada dowlada iyo maamulka Galmudug ay caddeeyeen inay fashiliyeen Qaraxaasi, markii la toogtay is-miidaamiyaha.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON