Saturday, July 31, 2021

Maamulka C/casiis Lafta-gareen oo Baydhaba ka celiyey Diyaarad Muqdisho ka baxday iyo Sababta…

Wararka laga helayo magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in halkaasi laga soo celiyey Diyaarad oo ka tegay Muqdisho, lana filayey inay ka degaan magaalada Baydhaba.

Maamulka K/Galbeed ee C/casiis Lafta-gareen ayaa amray in diyaarad rakaab siday oo ka baxday Muqdisho saaka oo ay lahayd Shirkadda Blue Sky inay dib ugu noqoto halkii ay ka timid ee Garoonka Muqdisho xilli ay dooneysay inay ku degto Garoonka Shaatigaduud.

Maamulka shirkadda Blue Sky ayaa sheegay in ilaa 100 qof oo rakaab ah oo ka tegay Muqdisho, kuna sii jeeday Baydhaba iyo rakaab kale oo kasoo bixi lahaa Baydhaba ay dhibaato xoog leh ku dhacday markii maamulka K/Galbeed, gaar ahaan Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka oo mas’uul ka ah maamulka K/Galbeed

Ad

Madaxa Suuq geynta Shirkadda Blue Sky Axmed Xuseen Xasan ayaa sheegay in dadweynihii rakaabka ahaa ee ka tegi lahaa Muqdisho iyo kuwii kasoo bixi lahaa magaalada Baydhaba ay ku xayirmen labada garoon.

Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale maanta garoonka Baydhabo laga soo celiyay diyaaradda Haalla Airlines. Maamulka K/Galbeed uu xayiraad kusoo rogay diyaaradaha tegaya garoonka Baydhabo, iyadoo musharixiinta xildhibaannada ah ee u tartamaya labada aqal ee Baarlamaanka oo aan loo ogoleyn inay tagaan Baydhaba, taasoo halis gelineysa Doorasho xalaal ah oo ka dhacda maamulkaasi.

- Advertisement -
- Advertisement -

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

159,384FansLike
2,430FollowersFollow
5,845FollowersFollow
159,384FansLike
2,430FollowersFollow
5,845FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!