Saturday, July 31, 2021

Dagaalka Itoobiya oo ku fidaya Gobollada Amxaarada iyo Cafarta (TPLF oo weerar ku qaaday Oromo ku..)

Dagaalka Waqooyiga Itoobiya ee Tigray ayaa kusii fidiaya is-maamullada kale ee Itoobiya, kadib weerar ay qaadeen ciidamada Tigreega oo galay gudaha maamullada Oromada iyo Amxaarada.

Ciidamada Tigray ee Ethiopia ayaa shaaciyey inay howlgallo milatari ka fuliyeen ciidamo taageersan dowladda Itoobiya oo ku sugna gobolka deriska ah ee Afarta iyo Amxaaradda, waxaana sidaas afhayeen u hadlay TPLF, oo furtay furrin cusub oo dagaal ah.

Afhayeenka TPLF Getachew Reda ayaa wakaalada wararka AFP u sheegay in “Jowlhgalka oo ahaa mid kooban,” lala beegsaday ciidamo si gaar ah u tababaran iyo maleeshiyo kasoo jeeda gobolka Oromia oo isku urursanayey xuduudda Tigray iyo Afar.

Ad

“Waxaan tallaabooyinkan u qaadnay si aan u xaqiijino in ciidamadaas dib loogu celiyo gobolka Oromia, waana ku guuleysanay middaas,” ayuu yiri Getachew, oo intaas ku daray inuu jiray khasaare, balse uusan sheegi karin tirada qasaaraha.

Wuxuu sheegay in Howlgalke uu ahaa mid aad u kooban, oo lagu kala eryeyey maleeshiyooyin ka yimid Oromia oo badankood lagu qasbay dagaalka. Afhayeen u hadlay gobolka Cafarta ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo arrintan.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo dhowr ka mid ah maamullada dalka Ethiopia ay sheegeen inay ku biirayaan dagaalka, si ay gacan u siiyaan ciidamada dowladda. Maamulka Afar kama mid ah maamullada sidaas sheegay.

- Advertisement -

Warbaahinta dowladda Ethiopia ayaa shalay daabacday bayaan ku eedeeyey TPLF inay is-hortaageen gargaarka loo wado gobolka ee la marsiinayo gobolka Afar, ayaga oo adeegsanaya “duqeymo culus” iyo “hubka artillariga.”

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa dhowaan ku tilmaamay Jabhadda Tigreega inay taay Kansarka Itoobiya oo ay qasab tahay in meesha laga saaro.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

159,384FansLike
2,430FollowersFollow
5,845FollowersFollow
159,384FansLike
2,430FollowersFollow
5,845FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!