Sunday, June 22, 2025

Alshabaab oo soo bandhigtay magacyada 5-tii Is-miidaamiye ee weerarray Saldhiga Buulomareer

Kadib weerarkii qasaaraha badan geystay ee Alshababa ku qaaday Saldhigga hore ee ciidamada Uganda ATMIS ee magaalada Buulomareer, Gobolka Sh/Hoose 26 May 2023, waxaana soo baxaya faahfaahinta sida weerarkaasi u dhacay.

Muuqaal ay baahisay Alshabaab ayaa waxaa kasoo muuqday maleeshiyadi Alshabaab ee weerartay Buulomareer oo uu khudbad u jeedinayo Amiirka kooxdaasi Axmed Abuu Cubeyda oo la sheegay inuu dagaalka hoggaaminayey, wuxuuna ballan kula galay Geeri.

Waxaa kaloo muuqaalka ku jira shan is-miidaamiye oo midkood yahay Ajnabi kasoo jeeda Kenya, kaasoo ku hadlayay luqada Sawaaxiliga, waxaana qaraxyada saldhigga Buulomareer lagu beegsaday ay ahaayeen kuwii ugu badnaa ee is-maadaamiyeyaal ah oo shan garaya ay hal weerar ka qeyb qaataan.

Ad

Is-miidaamiyeyaasha Alshabaab ee Buulomareer isku qarxiyay ayaa intooda badan watay gawaari, waxaana daah furay oo ugu horeeyay ninka kasoo jeeda Kenya, sida uu sheegay:

Magacyada ios-miidaamiyeyaasha waxay kala yihiin;

1- Muxumed Nuur Xuseen (Muusaa)

- Advertisement -

2- Nuur Guhaad Bakar (Muniir)

3- Jacfar Xasan Siciid (Abuu Faatima) –Daahfure Qarax-Kenyan-

4- Axmed Macalin Cabdi (Diini)

5- Muudey Macallin Xuseen (Qacqaaca)

- Advertisement -

Madaxweynaha Uganda ayaa qiray in weerarkii Buulomareer looga dilay in ka badan 50 aksari oo meydadkooda laga helay saldhigga markii ay dib u qabsadeen ciidamda ATMIS ee ka oscda dalka Uganda.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON