Tuesday, July 15, 2025

Alshabaab oo shaacisay Qofkii fuliyay Weerarkii degmada Wadajir & Beesha uu kasoo jeedo [Akhriso]

Kooxda Alshabaab Al-shabaab ayaa soo bandhigtay Magaca iyo beesha uu kasoo jeedo is-miidaamiyihii fuliyay weerarkii xarunta Degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Qofka fuliyay weerarkii Xarunta degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayay Alshabaab ku sheegtay magaciisa Abuubakar Cusmaan Cali oo loo yiqiin (Macalin Yaasir), waxaana la sheegay inuu kasoo jeeday Beesha Sheekhaal.

Barnaamij warbaahinta Alshabaab ka baahisay weerarka ayaa lagu faahfaahiyay qaabka loo abaabulay, ninkii fuliyay iyo qasaaraha baaxada leh oo kasoo gaaray.

Is-miidaamiyaha fuliyay weerarka ayaa idaacadda Alshabaab u sheegay intii aanu is qarxin ka hor in ujeedkiisu yahay inuu shahiido sida uu yiri, isagoo ka yimid saxaabadii Nebiga, isagoo sheegay inuu is-miidaaminta ay ku dhalisay markii uu arkay dhibaatooyinka ka jira dalalka islaamka sida Falastiin, dalka Afrikada Dhexe iyo dalal kale.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON