Kooxda Alshbaab oo sheegtay weerarkii xarunta Otto Otto ee magaalada Muqdisho oo ay degan yihiin Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga ayaa shaacisay inay weerarkaasi ku dileen dad ka badan 30 qof.
Sida Alshabaab ku baahisay warbaahinta taageerta waxaa weerarka lagu dilay agaasimeyaal iyo saraakiil ka tirsan wasaaradaha Amniga iyo Arrimaha gudaha waxayna ku sheegeen qaar ka mida
Saraakiisha waxaa ka mida Maxamed Axmad (ilkacase) oo ahaa xog-heynta wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda Federaalka oo ku dhintay weerarka, Liibaan Cusmaan oo isna dhintay wuxuu ahaa Agaasimaha xiriirka gobolada ee wasaaradda Amniga dowladda Federaalka, General Siyaad oo dhaawacmay wuxuu ahaa agaasimaha waaxda “la-dagaalanka Argagaxisada” waxayna Alshabaab sheegtay inuu hore uga fakaday weerar khaarijin ahaa. Cabdullaahi Siyaad oo isna ku dhaawacmay weerarka wuxuu ahaa agaasimaha waaxda siyaasadda iyo sharciga wasaaradda arimaha gudaha. Axmed Yare oo ku dhaawacmay ayaa ahaa xogheynta wasiirka amniga, iyadoo Alshbaab ay sheegtay inuu dhawaac soo gaaray agaasimihii maamulka maaliyadda ee wasaaradda arimaha gudaha oo magaciisa lagu soo koobay Cumar.
Waxay kaloo Alshabaab sheegtay inay weerarka Otto Otto ku dhinteen 3 sarkaal oo ka mid ahaa ciidamada ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya, inkastoo aanay jirin cid xaqiijisay sheegashada Alshabaab.