Alshabaab ayaa shaaciay magcayada iyo beelaha ay ka soo jeedaan laba is-miidaamiye oo qaraxyo la beegsaday saldhigga ciidamada Aw-dheegle ee Gobolka Sh/hoose.
Sida caadadda u ah is-miidaamiyeyaasha Alshabaab waxaa codad laga duubaa is-miidaamiyeyaasha ka hor inta aan loo dirin fal ka uu isku haligayo, waxaana warbaahinta Alshabaab ay shaacisay labadii is-miidaamiye ee fuliyey qaraxyada lala beegsaday ciidamada dowladda ee ku sugnaa degmada Awdheegle 14-kii bishan Ogost 2019.
Qaraxii koowaad ee ka dhacay afka hore ee Saldhigga ciidamada Aw-dheegle waxaa gaariga is-miidaaminta ah waday Maxamed Deeq Ibraahim Aadan oo kasoo jeeda beesha Dir gaar ahaan jufada Gaadsan, isagoo ku dhashay Degaanka Quracle ee gobolka Bakool, wuxuuna ka mid ahaa guutada is-miidaamiyeyaasha Alshabaab.
Gaariga labaad ee Qaraxa oo gudaha xerada ka dhacay ayaa waxaa isna waday is-miidaamiye Madnuur Ibraahim Xasan Gaaboow (Jacfar) oo kasoo jeedo beesha Raxanweyn, gaar ahaan Jilible, Isagoo ku dhashay degaanka Ceelgaras, kana mid ahaa ciidamada Xisbada, ee howlgalay Gobolka Galgaduud.
Is-miidaamiyeyaasha Alshabaab ayaa u badan dhalinyaro da’doodu aad u yar tahay oo aan gaarin 20 sano, waxaana weerarrka Awdheegle oo warar kala duwan kasoo baxeen la sheegay in lagu dilay 7 askari oo ka tirsan ciidmada dowladda iyo 23 ka mida Alshabaab.