Sunday, July 13, 2025

Alshabaab oo sheegatay Dilka 170 Askari oo Burundi ah, Baaq yaab lehna u diray Dadka Ceelbaraf

Alshabaab ayaa sheegtay in tirada ciidamada ATMIS ee ka socda dalka Burundi, laguna dilay weerarkii Saldhigga Ceelbaraf ay gaarta in ka badan 170 askari.

War kasoo baxay Alshabaab ayaa lagu sheegay in tirada dhimashada ee askartii lagu dilay weerarkii xerada Ceel-Baraf iyo kuwii sii firxanayey ee lagu laayay howdka ay tiradooda gaartay ilaa 173 askari, isla markaana gacantaa lagu dhigay maxaabiis nool.

Ma jirto cid xaqiijisay sheegashada Alshabaab, laakiin dadka degaanka yaa laga soo xigtay in qasaare xoog leh uu ka dhacay saldhigga, waxaana weli war kasoo saarin weerarka howlgalka ATMIS iyo Taliska Milateriga Dowladda Soomaaliya.

Qaar ka mida Ciidamada Burundi ayey sheegtay Alshabaab inay ku firxadeen degaanada howdka ah ee degaanka Ceelbaraf, waxayna baaq yaab leh u dirtay dadka degaanka oo ay u sheegtay inay inay hubk ka furtan askartaasi.

Waxay hore Alshabaabu sheegtau in weerarka oo qaraxyo ku bilowday ay ku dishay 59 askari, balse ma cadda in tirada intaas la eg ay xerada ku sugnaayeen.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON