Monday, June 23, 2025

Alshabaab oo sheegatay inay dib u qabsatay Degaanka Bacaadweyn iyo dagaallo culus oo dhacay…

Alshabaab ayaa sheegatay in dagaallo culus kadib ay dib u qabsatay degaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug.

Saaka ayaa waxaa Bacaadweyn qabsaday ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Galmudug iyadoo aan wax dagaal ahi dhicin, waxayna madaxda Galmudug sheegeen inay gacanta ku hayaan degaanada ay saaka qabsadeen, balse Alshabaab ayaa shaacisay War ka duwan kan Galmudug iyo ciidamada dowladda shaaciyeen.

Gelibkii danbe ee maanta ayay Alshabaab sheegtay inay dagaal culus dib ugu qabsadeen Bacaadweyn, isla markaana ay dagaal kale ku qaadeen Degaanka Sabeeno gawrac ee duleedka Wisil.

Ad

Alshabaab waxay sheegtay in dagaallo la isku noqnoqday ay ku dileen tobaan ka tirsan ciidamada Galmudug iyo kuwa dowladda, ayna ka furteen qoryo, iyagoo waxyeelo gaarsiiyey gaadiid dagaal, ayna ku dileen ku dhowaad 20 askari.

Warar madax bannaan oo laga helay dadka degaanka ayaa sheegaya in Alshabaab in dagaal culus uu degaanka Cimaamado iyo Qayd (Bariga Bacaadweyn) ku dhex maray ciidamada Daraawiishta Galmudug, Milaeriga dowladda, ciidamada Gorgor, Danab, NISA iyo Booliska iyo Alsahbaab dhinac ah, waxaana la xaqiijiyey inay Alshabaab Bacaadweyne, halka duleedkeeda ay joogaan ciidamadii kale.

Dagaalka ayaa labada dhinac qasaare kasoo gaaray, waxaana qeyb ka ahaa diyaarado Drone ah oo kaalmeynayay ciidamada Danab, inkastoo aanay dagaalka qeyb ka qaadan.

- Advertisement -

Dhinaca kale Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Shire ayaa beeniyay in Alshabaab ay dib u qabsatay degaanadii ay maanta qabsadeen ciidamada Galmudug iyo kuwa dowladda, isagoo sheegay inaysan waxba ka jirin wararkaasi.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON