Sunday, June 29, 2025

Alshabaab oo sheegatay inay Dil Qorsheysan ku fulisay Kabtan ay muddo ku daba jirtay

Alshabaab ayaa sheegatay inay magaalada Muqdisho ka fulisay dil qorsheysan oo lagu beegsaday sarkaal ay in muddo ah ku raad joogtay.

Weerarka ayaa ka dhacay Xalay ka dhacay xaafada siisii ee degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho, iyadoo toogasho ku dilay Sarkaal ka tirsan Wasaarada Gaashaandhiga oo magaciisa lagu sheegay. Dhamme Xasan Sheekh Maxamuud Faarax.

Alshabaab waxay sheegatay in sarkaalkanuu ka tirsanaa hogaanka Sare ee Sahanka iyo Sirdoonka Wasaarada Gaashaandhiga, gaar ahaanna uu ahaa Madaxa Qeybta Baarista ee Wasaarada Gaashaandhiga.

Warka Alshabaab ayaa sheegay in sarkaalka la dilay laga furtay Bistoolad uu ku hubeysnaa, kadina ay goobta ka baxsadeen dableydii falkaasi fulisay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON