Friday, June 27, 2025

Alshabaab oo sheegatay inay Muqdisho ku dishay Madaxii Saadka ee Guuto ka tirsan Ciidamada Milateriga

Alshabaab ayaa sheegatay inay degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho ku khaarijisay Sarkaal sare oo ka tirsanaa Ciidamada Milateriga Dowladda Federaalka Soomaaliya.

War kasoo baxay ururka AlShabab ayey ku sheegatay mas’uuliyadda weerar shalay ka dhacay xaafadda Haanta ee degmada Deyniile oo lagu dilay sarkaal ay Alshabaab ku sheegtay inuu ahaa Madaxii Saadka guutada 6aad ee ciidamada dowladd.

Sarkaalkan oo magaciisa lagu sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdulle ayaa shalay dabley hubeysan ku dileen Muqdisho, iyadoo kadibna ay baxsadeen. (Akhriso warkan)

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay taliska ciidamada Milateriga Soomaaliya iyo Hay’adaha amniga caasimadda Muqdisho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON