Saturday, July 5, 2025

Alshabaab oo sheegatay inay Qarax ku dishay 30 Ciidammo Itoobiyaan Gobolka Hiiraan

Qarax miino ayaa lala beegsaday kolonyo ciidammo Itoobiyaan ah oo marayay deegaanka Ceel Gaal oo 15 km bari ka jira magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan.

Dadka degaanka ayaa sheegay  in Qarax xoog leh lala beegsaday ciidamada Itoobiyaanka, iyagoo arkay Qiiq iyo uuro hawada isku shareertay, waxaana markaas kadib dhacay rasaas xoog leh, iyadoo ciidamadii la qarxiyey ay goobta qaraxa ka dhacay xireen oo halkaasi dhufeyso ka sameysteen.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada qaraxa, iyadoo shaacisay in qaraxa dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen ilaa 30 askari, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay ciidamada Itoobiya iyo AMISOM.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON