Monday, July 7, 2025

Alshabaab oo sheegatay inay Saraakiil ka tirsan NISA ku khaarijisay Magaalada Muqdisho

Maleeshiyo ka tirsan Alshabaab ayaa magaalada Muqdisho ku dilay sarkaal ka tirsan Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA.

Sida lagu sheegay war kasoo baxay Alshabaab sarkaalkan ayaa habeen hore lagu dilay xaafadda Towfiiq ee degmada Yaaqshiid, waxaana la sheegay inuu ka mid ahaa saraakisha dharcadka ee NISA kuwaasoo ka howlgala xaafadaha Muqdisho.

Alshabaab ayaa sarkaalkan magaciisa kusoo gaabisay Cagaweyne, mana jirto wax war ah oo ka soo baxay Hay’adaha Amniga dowladda oo aan inta badan ka hadlin falalka lagu dilayo saraakiisha NISA.

Dhinaca kale Alshabaab ayaa sheegatay inay degaanka Lafoole ku dishay sarkaal kale oo ka tirsanaa Hay’adda Nabadsugidda NISA.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON