Alshabaab ayaa sheegay dil saaka ka dhacay magaalada Muqdisho oo lagu dilay oday waayeel ah oo nabaddoon ahaa, da’diisuna kor u dhaaftay 80 sano jir.
Dilka Cali Axmed Cumar (Fooldheere) ayaa ka dhacay Maqaayadda Muxyadiin Culusow ee degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho, waxaana dilka fuliyay saddex dhalinyarro ah oo bistoolado ku hubeysnaa, isagoo ku qeylinaya ‘Ha i dilinna’.
War ay soo saartay Alshabaab ayey ku sheegatay mas’uuliyadda dilka Nabaddon Cali Cumar Fooldheere oo ay ku eedeeyeen inuu ka mid ahaa ergooyinkii wax kasoo xulay xildhibaannada Baarlamaanka Maamulka ‘Hirshabeelle’.
Alshabaab ayaa kordhisay dilalka khaarijinta ah ee ergadii hore iyo kuwa ka qeyb qaadanaya doorashada Baarlamaanka cusub, iyadoo hore uga digtay arrintan.
