Alshabaab ayaa sheegatay inay magaalada Muqdisho maanta ku dishay sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.
Dabley ka tirsan Alshabaab ayaa la sheegay inay degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir ku dileen sarkaal sare oo ka tirsanaa taliska ciidamada Booliska dowladda oo lagu magcaabi jiray Cali Raage Maxamuud, kasoo ahaa laba xddigle.
Alshbaab ayaa sidoo kale sheegtay markii sarkaalka ay toogashada ku dilen inay horay usii qaateen Bistoolad uu watay sarkaalka la dilay.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Hay’adaha Amniga ee dowladda iyo maamulka Gobolka Banadir oo ku saabsan dilka sarkaalkan, laakiin saraakiil ka tiran Booliska ayaa xaqiejiyey dilka Sarkaalka.