Wararka laga helayo magaalada Mquqdisho ayaa sheegaya in koox Bistloodo ku hubeysnaa ay xalay Xaafada taleex ee degmada Hodan ku dileen wiil dhalinyaro ah.
Kooxda falka geysatay oo ka koobeyd laba dabley ah ayaa goobta ka baxsaday markii ay toogashada fuliyeen, waxaana goobtaasi tegay ciidamada amniga oo dad badan ay ka soo qabteen markii ay baaritaan ka sameeyeen.
Kooxda Alshabaab ayaa sheegtay dilka ka dhacay xaafadda Taleex, waxayna sheegtay in dilkaasi lagu fuliyey mid kamida shaqaalaha gaarka ah ee Xafiiska R/wasaare Xasan Cali Kheyre oo lagu magacaabi jiray Aweys Cumar Cabdi.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay xukuumadda iyo xafiiska Ra’iisal wasaaraha, iyadoo dilkan uu ka mid yahay falal qorsheysan oo sii xoogeystay bishan Ramadaan.
Alshabaab ayaa soo bandhigay sawirka hoose oo ay sheegeen inuu yahay ninka ay toogteen.