Kooxda Alshabaab ayaa sheegtay inay qarax miino oo ka dhacay Muqidsho ku dishay askar ka tirsan ciidamada AMISOM.
Qarax miino oo maanta ka dhacay xaafadda Suuqa xoolaha ee magaalada Muqdisho ayaa haleelay gaari ka mida kolonyo ay wateen ciidamada AMISOM oo ku sii jeeday Gobolka Sh/Dhexe, iyadoo lasoo weriyey qasaare soo gaaray.
Alshabaab ayaa sheegatay qaraxa, waxayna intaas ku dartay inay ku dileen 2 askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda ayaa dhimatay 3 kalane dhaawacyo ka soo gaareen qaraxa oo ka dhacay halka lagu magacaabo Baar Jowhar ee Suuqa Xoolaha
Qaraxyada lala beegsado ciidamada AMISOM ayaa si weyn u sii kordhay xaafadda Suuqa Xoolaha, iyadoo marar badan ay askarta AMISOM halkaasi qaraxyo ku qabsadeen, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay AMISOM.