Alshabaab ayaa soo bandhigtay gaadiid ay leeyihiin ciidamda Booliska oo ay ku qabsadeen, kadibna ka kaxeysteen saldigga Booliska degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.
Gaadiidkan oo ahaa laba Cabdi-Bille oo Boolisku leeyahay ayey Maleeshiyada Al-Shabaab ku qaateen dagaalkii ay ku galeen saldhigga Kaxda habeenkii Arbacadda, waana markii ugu horeysay ee Alshabaab u suuragasho inay gudaha Muqdisho Gaadiid ciidan ku furtaan, kadibna kaxeystaan.
Arrintan aya weji gabax ku ah Hay’adaha Amniga iyo sirdoonka dowladda Federaalka oo xilligan ku howlan doorasho. Waxaa la is weydiin karaa waxa ay qabtaan kumanaanka ciidamada ah ee loo soo tababarray dowladda Federaalka.





