Qeybta Alkataa’ib warbaahinta u qaabilsan Xarakada Al-Shabaab ayaa maanta baahisay Muuqaal dheer oo laga sameeyay qaraxyadii waaweynaa ee ay ku qaadeen Hoteelada Muqdsiho, raggii fuliyey is-miidaaminta, kuwii weerarrada tooska ah ka fuliyey iyo hoggaamiyeyaashooda oo xalaaleynaya beegsida Hoteelada oo ah goobo ganacsi oo shacab, balse ay ku sheegeen xarumo hooy iyo xafiiska u ah madaxda dowladda ay dagaalka kula jiraan,
Muuqaalka oo soconaya muddo ku dhow saacad ayaa lagu bilaabay madaxda caalanka islaamka iyo xiriirka ay la leeyihiin madaxda Gaallada, madaxdii Soomaalida iyo qaar ka mida culimada taageersan dowladda Somalia oo haddalo jarjarran laga soo qaaday. waxaana lagu soo bandhigay weerarradii faraha badnaa ee lagu qaaday Hoteellada waaweyn ee magaalada Muqdisho, qasaarihii ka dhashay iyo raggii ka dambeeyay.
Waxaa kaloo Muuqaalkan lagu oo bandhigay Is-miidaamiyeyaasha fuliyey qaraxydii dadka badan ku le’deen ee Hoteeladaasi lagu qaaday, waxaana kasoo baxaya madaxda iyo horjoogayaasha Alshabaab banneynaya weerarrada lagu qaado Hoteelada.
Waxay madaxda Alshabaab ku doodeen in Hoteelada ay noqdeen xarumo ciidan, iyo fadhiga madaxda dowladda Soomaaliya oo ay ku sheegeen inay gaalo yihiin, waxaana muuqaalka loogu magac daray ‘LA DAGAALAMA MADAXDA GAALADDA”.