Kooxda Alshabaab ayaa war kasoo saartay weerar is-miidaamin ah oo ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho maanta Duhurnimadii.
Xarakaada ayaa shaacisay inay ka danbeysay weerarkaasi oo uu fuliyey is-miidaamiye ka tirsanaa kooxdaasi, waxayna war kasoo baxay Alshabaab ku sheegeen in qaraxa lla beegsaday goob ay ku sugnaayeen ciidamada Dowladda ee koontaroolka Siinka dheer.
Alshabaab ayaa sheegtay in weerarka uu dhaliyay qasaare gaaraya 20 askari oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira, isla marka la beegsadayna ay goobta ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan NISA.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinaca ciidamada dowladda Federaalka, iyadoo dadka degaanka ay sheegeen in qarax weyn laga maqlay barta Siinka Dheer, kadibna ay halkaasi gaareen ciidamo iyo gaadiidka gurmadka.