Alshabaab ayaa war degdeg ah kasoo saartay weerarka ay maleeshiyo ka tirsan ku qaadeen saaka Saldhigga ciidamada iyo garoonka Diyaaradaha Balidoogle ee Gobolka SH/Hoose.
Qoraal ku qoran Ingiriis oo loogu talogalay wakaaladaha wararka ayay Alshabab ku sheegtay in ciidamo ka tirsan is-miidamiyeyaashooda ay weerarku qaadeen saldhigga Ballidoogle, waxayna faahfaahin ka bixiyeen saldhigga oo ay sheegeen inuu 100 KM u jiro magaalada Muqdisho, isla markaana uu fadhi u yahay 200 oo ka tirsan militariga Mareykanka, Saraakiisha UN-ka iyo shirkadaha military ee gaarka loo leeyahay iyo diyaaradaha Drone-ka Mareykanka.
Alshabaab ayaa sheegtay in weerarka uu weli socdo oo ay dib ka soo sheegi doonaan faahfaahinta dagaalka ay ku qaadeen saldhiggaasi.
HOOS KA AKHRISO
