Friday, June 27, 2025

Alshabaab oo War kasoo saaray Weerarka Muqdisho: “Waxaan la wareegnay Wasaaradaha Shaqada..”

Alshabaab ayaa war ay soo saartay ku sheegatay mas’uuliyadda weerarka Qaraxyada ku bilowday ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Warka Alshabaab waxaa lagu baahiyey warbaahinta taageerta kooxdan, waxayna ku sheegeen inay ciidamadooda la wareegeen xarumaha wasaaradaha Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Howlaha guud ee xukuumadda Soomaaliya, dagaalkuna uu socdo.

Koox dabley Alshabaab oo ka kooban 3 ilaa 4 ayaa la sheegay inay gudaga u galeen xarunta wasaaradaha, iyadoo ka degay gaariga labaad ee qarxay, waxaana weli la maqlayaa is-rasaaseyn socota.

Qasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayuu dhaliyey weerarka, waxaana shaqaalaha wasaaradaha qaarkood oo lasoo badbaadiyey gaaray dhaawacyo, iyadoo uu hadda socdo gurmad badbaadin ah iyo dagaal ay ciidamadu kula jiraan dableyda Alshabaab.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON