Tuesday, July 15, 2025

Alshabaab oo War kasoo saartay Dilka Guddoomiyihii hore ee Hiiraan oo mar ka tirsanaa Xisbul Islaam

Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dil qorsheysan oo xalay lagu dilay guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan oo mar ka tirsanaa ururkii Xisbul Islaam.

War kasoo baxay Alshabaab ayaa lagu sheegay in howlgal gaar ah oo ciidamada khaarijinta Alshabaab ka fuliyeen degmada Wadajir ee magaaladan Muqdisho ay ku dileen Cabdiraxmaan Ibraahim Macow.

Alshabaab ayaa ku eedeysay marxuumka inuu mar soo noqday guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, isla markaana uu xilligan ahaa musharax u taagan kursi ka mida Baarlamaanka Dowladda Federaalka, sidaasina ay ku beegsadeen.

Marxuum C/raxmaan Ibraahim Macow ayaa hore u soo noqday xubin ka tirsan Maxkamadihii Islaamiga ahaa, kadibna wuxuu sanadkii 2009 ku biiray ururkii Xisbul Islaam oo uu hoggaamin jiray Sheekh Xasan Daahir.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON