Alshabaab ayaa war kasoo saartay goor dhoweyd qarax is-miidaamin ahaa oo caawa ka dhacay magaalada Garowe ee xarunta maamul Goboleedka Puntland.
Sida ay baahiyeen Warbaahinta Alshabaab War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada ayey ku sheegatay mas’uuliyadda qaraxa ka dhacay magaalada Garowe, iyadoo sheegtay inay qasaare xoog leh lagu gaarsiiyey maamulka Puntland.
“Mujaahidiinta ayaa howlgal ku beegsaday mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Ashahaado la-dirirka Puntland, khasaare xooggan ayaana caddowga gaaray” ayaa lagu yiri war aan la faahfaahin oo kasoo baxay Alshabaab.
Qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacmay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal C/salaan Xasan Xersi (Gu’jir) iyo Taliyihii hore ee Booliiska Nugaal G/sare Faarax Cabdiraxmaan Warsame (Galangooli); waxaa kaloo dhaawac kasoo gaaray qof shacab ah, sida ay sheegtay Puntland.