Wednesday, April 17, 2024

Guddoomiyihii Gobolka Nugaal oo u Geeriyooday Dhaawac kasoo gaaray Qarax is-miidaamin ahaa

Wararka laga helayo magaalada Garowe ayaa sheegaya inuu caawa isbitaalka magaaladaasi ku geeriyooday Guddoomiyihii Gobolka Nugaal Cabdisalaan Xassan Xirsi (Gu’ jir) oo dhaawac culus kasoo gaaray qarax is-miidaamin ahaa oo lala beegsaday.

Geerida guddoomiyaha ayaa timid kadib markii qallin lagu sameeyay, si loola tacaalo dhaawac culus oo kasoo gaaray qarax is-miidaamin ah oo caawa lagu qaaday xilli uu ku sugnaa bannaanka saldhigga magaalada Garowe, kaasoo uu fuliyey nin is-miidaamiye ahaa oo Alshabaab ka tirsan.

Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay Taliyihii hore ee Booliska Gobolka Nugaal Col.Faarax Cabdiraxmaan Warsame (Galangooli) iyo qof shacab ah oo isbitaalka ku jira.

Ad

Madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Puntland ayaa tacsi u diray guddoomiyihii Gobolka Nugaal oo ku baxay weerar ay Alshabaab in muddo ah kadib ka fulisay xarunta Puntland.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON