Alshabaab ayaa sheegtay weerarkii lagu khaarijin lahaa jeneral ka tirsan ciidamada Booliska oo shalay ka badbaaday qarax loogu xiray Gaarigiisa, balse uu dhaawac culus kasoo gaaray.
War kasoo baxay Alshabaab ayaa lagu sheegay inay Qaraxa ay la beegsadeen sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Booliska dowladda Federaalka oo lagu magacaabo Jeneraal Maxamed Cabdullaahi Dhoorre, waxayna Alshabab sheegtay inuu ahaa mas’uulka Booliska dowladda Federaalka u qaabilsan arrimaha dibadda, isagoo ahaa xiriiriyaha Booliska dowladda Somalia iyo Hay’adda Booliska Adduunka ee INTERPOL
Alshabaab ayaa qoraalkiisa ku sheegay inay qarax gaarigiisa loogu xiray Jeneraalka uu ka dhacay degmada Xamar-Jajab, iyadoo dhaawac halis ah lagu gaarsiiyay Jeneraal Max’med Dhoorre oo kamid ahaa saraakiisha Booliska.
Hay’adaha amniga iyo ciidamada Booliska Soomaaliya ayaan wax war ah kasoo saarin dhaawaca Jeneraalka iyo cidda ka danbeysay, wuxuuna qaraxu ahaa mid xoog leh oo sababay dab qabsaday kaalin shidaal oo uu xilligaasi uu taagnaa Gaariga uu watay sarkaalka la beegsaday.