Saturday, July 12, 2025

Alshabaab oo War kasoo saartay Qarixii lagu dilay Mas’uuliyiintii maamulka Hirshabeelle..

Alshabaab ayaa war kasoo saartay Qarax Miino oo saaka lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Sh/Dhexe ee maamulka Hirshabelle.

Qaraxan oo ka dhacay degaanka Gololley ee duleedka Degmada Balcad ayaa haleelay gaari ay la socdeen mas’uuliyiin uu ka mid ahaa Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Sh/Dhexe ee dhinaca Maaliyadda Cabdullaahi Shitaawe , wasiirkii hore ee Ganacsiga Hirshabeelle Sabriye Cusmaan Toxoboow, iyo Xasan Baldoos oo ahaa sarkaal u shaqeeya hay’ad samafal, laakiin Alshabaab ayaa sheegtay inuu ahaa Sirdoon.

Afhayeenka howlgallada Alshabaab C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in Qaraxan uu u dhacay sidii loogu talogalay, laguna laayey mas’uuliyiintii loo qorsheeyay in lagu beegsado, wuxuuna intaas ku daray inay ku halaagsameen saraakiisha caddowga sida uu yiri.

Dhinaca kale Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa tacsi u diray mas’uuliyiintii lagu dilay qaraxaasi, waxaana lagu wadaa in galabta lagu aaso magaalada Jowhar.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON