Tuesday, August 5, 2025

Alshabaab oo War kasoo saartay Weerarka ka socda Xalane iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Alshabaab ayaa sheegtay weerar ka socda xarunta xalane ee magaalada Muqdisho oo ah saldhigga ugu weyn ciidamada AMISOM, ayna degan yihiin safaaradaha shisheeye.

War lagu baahiyey warbaahinta Alshabaab ayaa lagu sheegay inay dagaalyahanno ka tirsan ay gudha u galeen xerada Xalane, isla markana ay dileen askartii ugu horeysay ee ay la kulmeen.

Dhinaca kale wararka ayaa sheegaya inuu dab qabsaday goob shidaal oo ku taalla gudaha Garoonka oo ay leedahay Shirkadda Docol, markii ay Alshabaab qarxiyeen, waxaana la arkayaa uuro madow oo ka socota.

Kooxda Alshabaab ee gudaha u gashay xeyndaabka Garoonka Diyaaradhaa iyo xarunta Xalane ayaa weerarkoodii kowaad ku galay xarunta hay’adda maamusha Eeyaha baara baabuurta.

Waxaa jira qasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac leh, iyadoo ay weli socoto rasaasta, halka tirada maleeshiyada Alshabaab ee gudaha u galay xeyndaabka garoonka lagu sheegay 2 dagaalyahan.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Hay’adda Duulimaadyada rayidka ay joojisay dhammaan diyaaradihii imaanayey iyo kuwii ka bixi lahaa Garoonka Aadan Cadde, kadib markii uu yimid weerarka Alshabab, xilli ay gubaneyso kaalin shidaal oo ku dhex taalla Xeyndaabka Garoonka Aadan Cadde.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON