Wednesday, June 25, 2025

Alshabaab oo War yaab leh ka faafisay Gen. Biixi iyo Wasiir Fiqi “Waxay si dirqi ah uga badbaadeen..”

Alshabaab ayaa faafisay war ku saabsan weerar madaafiic ah o ay ku qaadeen xero ay ku sugnaayeen taliyaha ciidamada dhulka iyo Wasiirka Amniga ee Galmudug.

Warka Alshabaab ayaa lagu sheegay in ilaa 10 madaafiic ah Al-Shabaab la beegsadeen saraakiil iyo askar ka tirsan ciidamada dowladda oo ku sugnaa xero ciidan oo kutaal duleedka degaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug, halkaasoo ay ku suganayeen taliyaha guud ee ciidamada lugta Jeneraal Maxamed Tahaliil Biixi iyo Wasiirka Amniga maamulka Galmudug Axmed Macalim Fiqi.

Alshabaab waxay intaas ku dartay inay madaafiicdaasi gudaha u galeen xerada, isla markaana ay si dirqi ah uga badbaadeen taliye Biixi iyo Wasiir Fiqi, balse uu jiro qasaare dhimasho iyo dhaawac gaaray ciidamada, ayna dhaawacmeen ilaalada Jen. Biixi.

Ma jirto cid xaqiijisay sheegashada Alshabaab, waxaana maanta lasoo weriyey in dhammaan aagagga dagaalka ee Koonfurta Mudug ay xaalady deganayd.

Dhinaca kale Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa been abur ku tilmaamay warka ay faafiyeen Alshabaab, wuxuuna jawaab degdeg oo uu ka bixiyey ku yiri: “Waxba kama jiraan warkaan.. argagixasadii Alshabab ee dhiigga dadka muslimka ah daadintiisa ka xishoon waayay miyaa been ka xishoonaya!.!”

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON