Monday, July 7, 2025

Alshabaab oo Weerar Culus ku qaaday Saldhigga Ciidamada Deynuunaay & Wararkii ugu danbeeyay

Maleeshiyada AlShabaab ayaa saaka aroortii weerar culus ku qaaday saldhigga ciidamada degaanka Deynuunaay ee duleedka magaalada Baydhaba.

Maleeshiyaad fara badan oo Alsahbaab oo ka tirsan ayaa weerar weyn ku qaaday Deynuunay oo ay saldhig ku leeyihiin ciidamada dowladda. waxaana la soo weriyey inay iska caabin kala kulmeen ciidamada dowladda iyadoo halkaasi uu ka dhacay dagaal qasaare badan geystay.

Waxaa lasoo weriyey in dagaalka uu qaatay in ka badan laba saacadood, isla markaana weli la maqlayo rasaas culus, waxaana la sheegay in ciidamada dowladda ay ka baxeen degaankaasi, intii aanay mar kale ku laaban markii ay heleen Ciidamo dheeraad ah oo laga diray magaalada Baydhabo ayaa gaaray degaanka  Deynuunay  si ay taageero u siiyaan ciidamada dagaalka kla jira Alshabaab.

Alshabaab ayaa xoojiyey weerarrada iyo qaraxyada ay ku hayaan magaalda Baydhaba iyo hareeraheeda kadib markii uu halkaasi gaaray Sheekh Mukhtaar Roobow.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON