Saturday, July 12, 2025

Alshabaab oo weerar culus ku qaaday Saldhigga Ciidamada Itoobiya ee magaalada Baardheere

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in kooxda Alshabaab ay weerar culus ku qaadeen saldhigga ciidamada Itoobiya ee magaalada Baardheere.

Weerarka ayaa lala beegsadya Saldhigga oo ku yaala Garoonka diyaaradaha Baardheere, waxaana la sheegay in AlShabaab ay weerarka ay qaadeen uu socday muddo Nuse saac ah oo la isu adeegsaday hubka culus.

Saraakiisha ayaa sheegay in dagaalkaasi oo xalay dhacay inuu ahaa mid aad u culus, iyadoo maleeshiyada Alshabaab ay dhowr jiho ay ka weerareen Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baardheere, iyagoo doonayay inay qabsadeen, balse ay ciidamada Itoobiya iska caabiyeen.

Lama soo werin qasaaraha ka dhashay weerarkaasi, waxayna Alshabaab sheegtay inuu weerarka ku bilowday madaafiic hoobiyeyaal ah, kadibna uu dhacay dagaal fool ka fool ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON